Maalmaha Malabka iyo Marti galinta Sariirta

Maalmaha Malabku waa maalmaha loogu jecelyahay Xabuubka Raaxada Galmada Wajiyo isku cusub Indho isu xiisa qaba jir isku baahan, Maalmaha Malabka ama gabi ahaanba Bisha malabku waa Maalmo iftiin iyo Caadku ka beedhayo qofka Waa maalmo Nolosha iftiinkeedu kuso kordhayo Waana Maalmaha Ugu Qiimaha badan Nolosha Aduunka.

Bal inta aynu uguda galin Kahadalka Maalmkaga malabka iyo Marti galinta Sariirta Ayaan jecelnahay inaan Dhalinta uga faaloono Faa’idooyinka uu guurku leeyahay, Guurku waxa uu leeyahay shan faa’iido oo kala ah:-
1- Ubad kaa hara:- Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:
- Inaad ku doontid raallinimada Eebbe, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.
- Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa.
- In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
- Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.
2- Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:- Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.
3- Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:- Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.
4- Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego:- Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu’minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba dumarka looma guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Eebbe ku caabuddid.
5- Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:- Nafta ood ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku tarbiyeysid waddada toosan, iwm.Waxaas oo dhami waxay kamid yihiin faa’iidooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo. Nabigeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin Qawsaarro, qawsaar walibana waxa uu mas’uul ka yahay wixii la raaciyey). Waxaa la sheegay in raggii hore ee suusuubbanaa mid kamid ahi uu niman walaalihii ah ooy jihaad ku wada jireen weydiiyey: (Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno mid inooga ajar badan?). Markaas bay yiraahdeen: (Ma garanayno). Suu yiri: (Anaa garanaya). Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabay: (Nin sabool ahoo ciyaal leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo intuu cawa-barkii toosay oo reerka indha-indheeyey arkay carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay, dabeetana ku huwiyey go’ii uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga camal wanaagsan
Lasoco Qeybta Labadaad ee Maalmaha Malabka iyo marti Galinta Sariirta oo aynu uga hadli doono Qoosaska Cusub iyo Hababka ay isu Meel marin lahaayeen hadba Cashir cusub ayaan kuso qaadan DOonaa.

Twitter Delicious Facebook Digg Stumbleupon Favorites More

 
Design by Free WordPress Themes | Bloggerized by Lasantha - Premium Blogger Themes | Web Hosting Coupons