Gudniinka Fircooniga iyo Dhibaatooyinkiisa

Waxaynu si kooban uga soo hadalnay dhibaatooyinka tooska ah ee ka dhasha gudniinka Fircooniga ah, ha yeeshee bal markan aynu wax ka taabanno dhibaatooyinka aan tooska ahayn ee gudniinkaasi keeno.

1- Shoogga Qalliinka: Shoog xoog leh baa ku dhasha shaqada xubnaha jirka oo dhan, gaar ahaan kolka inanta la gudayo iyadoon la kabaabyayn. Shooggaasi waxa uu keenaa bareesharka dhiigga oo aad hoos ugu dhaca iyo xawaaraha neefsashada oo yaraada, waxyaabahaas oo isu geyntoodu ay geeri keeni karaan. Shoogga qalliinku waxa kale oo uu inanta ku abuuraa baqdin joogta ah iyo galmada oo aanay jecleysan.
2- Dhiig bax: Waxa taas keena haweeneyda inanta gudaysa oon haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn xididdada dhiigga qaada ee goobaha ay jarayso ka buuxa. Hablo badan baana gowracaasi naxariis darrada ah awgiis dhiig bax ugu dhintay.
3- Laxaw iyo Hambalaaluq: Sababtu waxa weeye aqoon darri ku saabsan aasaasiyaadka cilmiga caafimaadka. Hambalaaluqa waxa keena cudur sideyaalka soo raaca Aaladda aan nadiifka ahayn amaba mararka qaar ruujinada ah ee inanta lagu gudayo iyo jawiga guud ee ay ku nooshahay labadaba.
4- Kaadida iyo Dhiigga Caadada oo ku xirma: Waxa laga yaabaa in kolka gowraca (gudniinka) la samaynayo uu daloolka kaadidu dhaawacmo maadaama uu si ba’an ugu dhow yahay Kintirrka la dabar jarayo. Waxa kale oo laga yaabaa in daloolka dusha sare lagu abuurayaa (Ilaah baa wax abuuri karee) uu aad ciriiri u noqdo oo laftiisu qayb ahaan ama guud ahaanba dhaawaca la bogsoodo. Arrintu uma baahna sharraxaad intaas ka badan bay ila tahay, maadaama meesha aan ka guuxayo la wada garanayo.
5- Xanuunka Nifaaska: Mar kasta ooy haweeneydu ummulayso waxa lagama maarmaan ah in lagu isticmaalo Maqas iyo Middiyo, si loo dillaaciyo looguna sameeyo dalool uu ilmuhu soo dhaafi karo, mashaqadaasi oo haweeneyda miskiinta ah ugu filan inu ku yimaado xanuunka Nifaaska ee dilaaga ahi. Waxa kale oo ka fekerka qalliinka ku soo fool lihi haweeneyda ku dhaliyaa baqdin iyo welwel gaarsiin kara in ilmihii kaba soo bixi waayo, ooy markaasi qalliin kii hore kasii xag jira u baahato si ay u ummusho.
6- Madhalaysnimo: Tirakoobyadu waxay sheegayaan in dumarka dalka Suudaan ee madhalayska ah 20- 25% gudniinka Fircooniga ahi uu sabab u yahay madhalaysnimadooda.
7- Ugu dambayntii, xanuunka uu gudniinka Fircooniga ahi ku reebayo nafsiyadda gabadha, kana dhasha jeexista iyo tolista joogtada ah mar kasta ooy ummulayso ayaaba dhibaato oo dhan ugu filan haddii dhab loo fekerayo.

Twitter Delicious Facebook Digg Stumbleupon Favorites More

 
Design by Free WordPress Themes | Bloggerized by Lasantha - Premium Blogger Themes | Web Hosting Coupons