Waa Maxay Farxada iyo dareenka u garaka ah Ereyga Jaceyl?

Marka laga hadaayo Jaceyl waxaa la arkaa ama la ogyahay in Marka ay bulsho meel wada joogto midkood uu soo qaato ama ku dhawaaqo ereyga Jaceyl durbadiina dadkoo dhan dareen wada galo ama qaarkood ay dhoola cadeeyaan , taa badalkeeda markii uu qof ku dhawaaqo ereyga naceyb dadkoo dhami wajiga kaduudaan ama ama wax qiimo iyo qaayaba aysan siin qofkii ereygaasi naceybka ah ku dhawaaqay.
hadaba Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah waa maxay Farxada iyo dareenka u garaka ah ereyga Jaceyl?
waxaa laga yaabaa in dad badan ay su’shaasi siyaabo kala duwan uga Jawaabaan.
Aqriste waxaa jira oraahyo ama tusaaeeyin badan oo bulshada dhaxdeeda caan kanoqotay gaar ahaan hal abuurada Soomaaliyeed iyo kuwa carabta oo iyagu intooda badan gabayo ama heeso uga hadla Amuuraha Jaceylka iyo saameynta uu kuleeyahay dadweynaha kunool Caaamka daafihiisa oo idil..
Sidoo kale Jaceylka xiligan ayaa waxa uu eeyahay isbadalo fara badan iyadoo qofba dhan ay ku macneesay hadii aynu soo qaadano . XASAN JACAYL oo kamid ah abwaanada Soomaaliyeed kuna xeel dheer amuuraha Jaceylka waaya badana usoo joogay :- ” abwaanka ayaana waxa uu sheegay in xiligan uu qirsanyahay in uu jiro iaa 7 Jaceyka .”
1. Jacayl dhab ah:- 2. Jacayl gaaban:- 3. Jacayl danaysi:- 4. Jacayl Xushmo:- “5. Jacayl Socod wadaag:- 6. Jacayl Guud:- 7- 7- Jacayl Laab-la-kac ah abwaanka ayaana mid walbo daba dhigay tusaaooyin aga dheehan karo 7badaa Jacey ee xiigan iyo sida ay bushada Soomaaliyeed ugu dhaqanto .
Sidoo kale Xee dheere amuuraha Jaceyka oo u dhashay Daka Ciraaq ayaa waxa oo dhoor tusaae usoo qaatay Jaceylka sida oogu baahanyahay isna uu dadku ugu baahanyahay isagoona kubilaabay ,
1,Dayaxu in uu nagu du wareego ayaanu Jecelnahay isna in uu nagu du wareego ayuu Jecelyahay oo hadii uu dayaxu mugdi noqdo waxaad arkaysaa dadkoo idil oo iftiin ka Jecel raadinayana .
2,Qoraxdu in ay nagu dul wareegto ayeynu jecenahay iyana in ay nagu dul wareegto ayey jeceshahay oo hadii qorax madoobaad dhaco waxaad arkaysaa dadkoo walacaya oo oronaya ilaahow qoraxda noo soo bixi iyaga oo hadana door bidaya in aysan qoraxdu gubin oo diirimaadkeedu yara qaboobaado, hadaba tusaaooyinkaasi iyo kuwa kale oo kabadn ayaa jira .
Jaceylka waa udub dhaxaadka dhaq dhaqaaq walboo aadanuhu sameenayo sida warbixintan aad kaga dhadhansaneyso Jaceyka ayaa ah aalad caalamka oo dhan dul wareega oo dhinac walboo laga eego hanaan nooleedka aadanaha ka marneyn dadka caaqilka ah iyo xayawaankaba intaba.
Jaceylka ayaana waxa waxa uu kakoobanyahay qeebo badan lakin aan soo qaato qoraal ahaan ,Damac ,.Dooq iyo Dabeecad kuwaas oo dhamaan ah kuwa iswata oo aan kala maarmin kuna dheehan unugyada kala duwan ee Jirka bini’aadmka kunool Daafaha Caalamka .
Waxaa jira ama la arkaa qof qof uu Jecelyahay ama shey uu Jecelyahay caynaya ama dhaleeceenaya isla markaana dadka u sheegaya in uu necebyahay balse markaad dib u fiiriso ama aad qiimeyso uu Jecelyahay qofkaas ama shegaas laakin uusan muujin karin Jaceyka uu u hayo.
Jaceylka ayaana laatiin ahaan waxa uu yahay erey kakooban afar xaraf oo ah LOVE kaas oo laga soo gaabiyay (lacke of Bleasure-oceiane of madness Vally of desease E,end of life )
hadaba ereyga ugu horeeya ee LOVE ee
1.L ayaa ah farxad la’aanta ‘ oo oola jeedo in qofku had iyo jeer uu murugsanyahay sababtuna waxa ay tahay isaga ka fikirsan waxa uu kala kumi doono wiilka ama gabdha uu dunida ugu jecelyahay ama uu caashaqay .
2.O-oceiane of Madness ; waa badweynta waalida waxaaba laga yaabaa in qofku damacaasi aawadiis uu lawaasho ama dhimirka wax kaga soo gaaraan amaba uu u dhinto sida ku dhacday Cilmi Cismaan liibaan Boodhari oo u ah Tusaalaha Jaceylka Soomaalida dhaxdiisa isaga oo u geeriyooday Jaceyl daran uu u qaaday gabdaha uu caashaqay ee Hodan.
3.V.vally of decease .. oo micnaheedu yahay Dooxada cudurada Jaceylka oo laga yaabo in qofka Jaceyl dartiis uu mudo sariirta u saarnaado sida qof xanuunsan oo kale isagoo waliba joojiya qaadashada faraha badan ee raashinka sida abateetka oo kaxirma, Jaceylka ayaana waxa uu yahay mid dadka ukala nugul waxana ugu nugul waxyeelada Jaceylka midka caloosha jilicsan.
4.E ,End of love oo oola jeedo dhamaadka ama gaba gabada nolosha oo uu qofku muuqaa ahaan aad ugu qayirmaayo waa hadii uu waayo qofkii ay naftiisa dooratay naftuna ku dagi laheed si uu ugu danbeytii u helo nolol macaan oo raaxo leh hadiisa uu waayo laga yaabee halkaasi in uu qofku ku galbado nooshiisana ku idlaato.
Sidaa owgeed waxaa a oran karaa shaki kuma jiro in Jaceylku uu kudul wareego aduunyada oo idil uuna fara galin kusameeyo wax walbo oo nolosha xiriir la leh ama laga maarmaan u ah jiritaanka nolosha qeebaheeda kala duwan .
Si kastoo ay ahaato ayaa Jaceylka waxaa lagu tilmaami kara ain uu yahay Dowlad jirta oo leh awood iyo calan ah taas oo ka duwan dowladaha kale ee dunida kajira ,Ubaxa nuucyadiisa kala duwan midab ayaana ah wasaaradihii ay kushaqeenaysay Dowlada Jaceylka ubaxuna waa calanka Jaceyka ee astaanta u ah jiritaankiisa .
Aniga oo soo gunaanadaya warbixintan aan ka diyaariyay Jaceylka ayaan doorbiday in la ogaado aadanaha iyo Jaceyka in ay yihiin mataano hoosha wada maamula sida labada gacmood oo kale , iyadoo dowladaha dariska la ah Jaceylkuna ay yihiin qowmiyadaha kala duwan ee diimaha kala jaad jaadka ah leh kuwaas oo kunool dhamaan qaaradaha aduunka adinkoo waliba si fudud u fahmi kara marba hadii qoomiyadahaasi faraha badan ay yihiin Dowladaha dariska la ah Wadanka Jaceylka ,Xukuumada Jaceylka ayan ah xukuumad awood badan iyo saameyn kuleh aduunayada

Twitter Delicious Facebook Digg Stumbleupon Favorites More

 
Design by Free WordPress Themes | Bloggerized by Lasantha - Premium Blogger Themes | Web Hosting Coupons