Daawada Saxda ah Ee Siigada/Seegada…….Xog Rasmi Ah

Dhambaalada ayaa ahaa mid ay inoo soo marinayeen E-mailada uu leeyahay Barta Aduun, Kuwa qaaska ah ee qoraayaasha iyo telephone-ka Gacanta lagu qaato kuwaasi oo codsanaayay dhibaatoyinka laga dhaxla waxa loo yaqaan Siigada/seegada sida loogu heli xal dawo iyo habka ugu fudud ee loo joojin kara.

Codsigiina ku aadanaa xal dawo ma leeyahay siigada iyo sidee loo joojin karaa waxa ay noqotay su’aal runtii qoraayaasha aduun.com ay isugu tageen, sidii loogu heli lahaa maqaal dhaxal gal ah oo aqristaayaasheena ay ku qanci karaan.
Hadaba annagoo codkeena Mideysan waxaan in badan aan sharaxi doonaa daawada saxda ah ee looga kaaftoomo siigada/seegada
Waxaa Ibn Mascuud laga weriyay Ilaahay haka raali noqdee inuu nabiga CSW yiri xadiis macnihiisu yahay:
“Dhalinta kulantoy qofkii awooda arimaha guurka ha guursado, maxaa yeelay isagaa u indha daboolid wanaagsan, Farjigana ilaalin badan, qofkaan awoodinse waxaa korkiisa ahaaday Soom oo u ah ka hortag”
waa xadiis Mutafaq ah oo ay Bukhaari iyo Muslim weriyeen.
Macnaha weyn ee ku jira xadiiskan ayaa waxaa ka mid ah.
In Qofku Guursado Haddii uu awoodo…. haddii uu qofka Guursado weliba guurku uu u maro Sunnada Nabigeena CSW waxa uu dhaxlaa indha daboolid iyo ilaalin badan farjiga Macnaha waxa uu noqonayaa indhihii uruurin lahaa waxyaabaha dhaliya Hamiga shahwaadka oo laabmay kadibna farjiga ilaalin badan ayuu helayaa sabab keeni karta in qofku ku siigeysta/macsi ku galo ma jiri karto
Qofkaan awoodinse waxaa korkiisa ahaaday Soom oo u ah ka hortag…… Qofku ma Awoodo in uu Guursado waxaa loo furay wado kale oo uu weli kaga hortagi karo in shahwaadkiisu xakameeya wadadaasi oo ah in qofku soomo si qofka cunada Badan ee tamarta ah ee dhalin lahaa in qofku dareemo rabitaan shahwaad aysan u dhicin.
Dhanka Cilmi Nafsiga iyana waxaa siigada aad kaga hortagi kartaah Dhor arrimood oo kala ah.
Jimicsi……. Waa Faa’iido la Hubo in jirka uu iska Saari Doono Wasaq qofka ku baaqan laheyd waxaase muhiimada jimicsiga jirka uu ka helo la ogaaday in ay tahay daal la’aan iyo ad adeyg qofku kolna suuroobi meyso in uu is xakameyn waayo ileen maskax fayow waa jir fayow, Qofka Joogteeya Jimicsiga Waxa uu dhaxli doonaa furfurnaan dheeri ah oo kaga maarmi doono in uu ku mashquulo
Ka Fogow Waxyaabaha nafta Galiya dareenka……… Qodobkan waxaa soo hoos galayaa ugu horeyn Xilliga aad ku gudo jirto arrimaha jaceylka in aad naftaada ka dhaadhiciso waxa loo yaqaan hamiga amase hunguriyeenta qofka dhigaada ah tusaale adigoo sawirta fikradaha dhaliya dareenka, Waxaa kaloo iyana muhiim ah in aad ka fogaato sawirada qaaqaawan amase aflaamta foosha xun, tan kale ee aan la ilaawi karin waxa ay noqoneysaa Xilliga Hurdada naftaada ka ilaali in aad ku mashquusho hami kicin dareen oo dhalin karta siigada.
Arrin Yaab Leh……… waxaa la ogaaday qolka carfoon ee leh waxa ay indhahu ay ku ildoogsadaan in ay dhalin karto dareen waxaase kasii daran in dharka jilicsan oo lagu daray in aad ku seexato xubinta taran in qofku markiiba iskula dhaqaaqo wasmo Gacmeed amase siigada waana si fudud in arrimahaasi dhacaan.
Waan La Qabsaday…………. dhalin badan ayaa jirta oo aan ka cabsi qabno sida aan ku kala ilaalin laheen gacantooda iyo xubinta taranka ha yeeshee haddii aan nahay Aduun.com waxaan u jeedin laheyn dhalintan in marka hore ay ku qancaan qeybaha hore oo runtii ah dhaxal gal hakin kara siigada haddii aad ka biyo diidsan tahay, Siigada badan qofka caadeysta mas ayuu noqdaa iska Ilaali mas ha noqonin amase bahal ayaa ku cunaayo hayeeeeeeeeeeeeeeey….
Oo aan Ula Jeedo Haddii aad ku sii raagto Siigada waxaa heli doontaa abaal marin oo ay ka mid yihiin indha beel, iloowsho badan, biya bax deg deg ah, jirka oo ka lunta firfircoonida, koontoroolka lagu xakameen kaadida oo lunta iyo qasaaro intaa ka badan
Wixii talo amase tusaale ah ee ku aadan maqaalkan Nala qeybso fikirkaada xor ayaad u tahay

Twitter Delicious Facebook Digg Stumbleupon Favorites More

 
Design by Free WordPress Themes | Bloggerized by Lasantha - Premium Blogger Themes | Web Hosting Coupons